Musharixiinta Puntland oo xod xodanaya Baarlamaanka

Doorashada Puntland
Doorashada Puntland

Musharixiinta u tartamaya ineey qabtaan Jagada Madaxtinimada maamulka Puntland, oo gaaraya ilaa 20 musharax, ayaa hada bilaabay ineey si kala goni gooni ah u casuumaan Madanayaasha Baarlamaanka oo dhawaan la dhaariyay.

Musharax kasto, ayaa si gooni gooni ah u casuumaya Xilibaanada, iyadoo musharax walbo uu doonaya in isaga la siiyo codka kalsoonida.

Musharixiinta kala ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Generaal Cabdulaahi Siciid Samatar 0o ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxtinimo ee Puntland, ayaa lagu soo waramayaa ineey maanta si kala gooni ah Hotelka Reys, ugu casuumeen xubno katirsan Baarlamaanka.

kulamadaasi kala gooni ahaa, lagumana Casumin Saxaafada wuxuuna ahaa mid gaar ah oo qarsoodi ah lama garanayo waxa looga hadlayo laakiin waa loo badinayaa in Musharaxiintaasi ay si hoose ula faqayaan xildhibaanada kalana hadlayaan dhanka codaynta iyo madaxweynaha ay soo saarayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here