Musharixiinta Imaaraadka wato oo Addis-Ababa looga wada yeeray

Musharixiinta imaaraadka wato oo Addis-Ababa looga yeeray
Musharixiinta imaaraadka wato oo Addis-Ababa looga yeeray

Doowlada Itoobiya oo saameeyn xoogan ku leh Siyaasada Soomaaliya ayaa u yeertay qaar kamid ah musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo Doowlada Imaaraadka Carabta ay wadato.

Musharixiinta Addis-Ababa looga yeeray ayaa kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cumar Cabdi Rashiid iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Saddexdan Musharax ayaa ah hormuudka Isbaheysiga Musharaxiinta ee ay sameysay Imaaraadka Carabta, waxaana todobaadyo ka hor kulan gaar ahaa ku yeesheen magaalada Nairobi.

Kulamada ka socda Addis Ababa ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo Musharaxa ay wadato Imaaraadka Carabta.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ay ku kala aragti duwan yihiin cida noqoneysa Madaxweynaha soo socda, taas ayaana keentay in Itoobiya ku baraarugto dhaq dhaqaaqa xoogga leh ee ay wadato Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa si aan horay loo arag u lug yeeshay siyaasada Soomaaliya, si ay meesha uga saaraan Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay xusheen Musharaxiin dhowr ah oo loolan la geli kara Xasan Sheekh, waxaana Musharaxiintaas ugu horeeya Cumar C/rashiid.

Dowladaha deriska ah sida Itoobiya iyo Uganda ayaa la dhacsaneyn doorka Imaaraadka Carabta iyo taageerida Musharaxiinta uu ka mid yahay Cumar C/rashiid, waana tan keentay in Addis Ababa ay goor dambe ku baraarugto dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socday Dubai iyo Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here