Musharaxnimada Axmed Madoobe oo lagu kala qaybsamay

Axmed Madoobe oo musharraxnimadiisa lagu murmay

Waxaa shaley magaalada Kismaayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, shir jaraa’id ku qabtay mid ka mid ah beelaha degga Jubbooyinka.

Shirkaaas jaraa’id waxa ay kaga dhawaaqeen in Amxed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay u doorteen in uu noqdo mushaarraxa u taagan doorashadda madaxweynaha maamulka Jubbladan.

Sida goobta laga sheegay waxaa beesha Absame isku soo taagay seddax musharrax oo kala ah Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ah guddoomiyaha ku meel gaarka Kismaayo, Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandhi, hadda waa xildhibaan, wuxuu kaloo soo noqday madaxweynaha maamulka Azania, iyo wasiirka gaashandhigga iyo Sheekh Maxamed Ibrahim Shakuul oo ah ganacsade xarumo waaweyn ku leh Nairobi.

Guddi ka kooban odayaasha dhaqanka ayaa u soo xushey Ahmed Mohamed Islan oo loo yaqaano Ahmed Madobe inuu noqdo musharaxa beesha uga qeybgalaya tartanka, meeshana ka saarey musharixiin kale oo isla beeshaasi ka soo jeedda oo tartanka ku jirey.

Ugaas Cumar Ugaas Xiirey oo ka mid ah odayaasha meelmariyey musharaxnimada Axmed Madoobe ayaa VOA uga waramay sida ay u so xuleen Axmed Madoobe.

Hase yeeshee go’aanka odayaasha ay gaareen waxaa ka biyo diidsan musharxiinta kale ee beesha Axmed Madoobe ka soo jeeda, Siyaad Mohamed Mursal oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeybgalaya shirka magaalada Kismaayo, kana soo horjeeda doorashada Axmed Madoobay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here