Musharaxiinta Maxay La Soo Shir Tageen?. W/Q Farah Warsame

Waxaan aad u dhageystay inta badan khudbadaha ay soo jeediyeen murashixiinta u tartamaya jagada madaxtinimada Soomaaliya. Waxaan sidoo kale hore ula socday qaabkii madaxda Baarlamaanka hadda loo soo doortay. Wixii aan ka filayay dhageysiga khudbadaha iyo waxa aan ka helay aad ayay u kala duwanaayeen.

Murashixiin 20 kor u dhaafaya oo weliba ay ku jireen rag lagu tuhmayay in ay aqoon fiican leeyihiin ayaa meesha isugu yimid, mid walbaana fursad uu ku soo gudbin karo wixii laga codsaday ayuu halkaa ka helay, laakiin waxaan oran karaa intooda badan waxay ku fashilmeen fursaddii ugu horreysay ee ay heleen.

Maxaa laga doonayay? Maxayse la soo shir-tageen?

Su’aasha la weydiiyay waxay aheyd maxaad dooneysaa in aad qabato? Su’aasha oo aad fahantaa waa jawaabta barkeed! Jawaabtu waa wax sahlan keliya waxay ku ekeyd adigoo sharraxa arrimaha soomaalidu u baahan tahay in wax looga qabto oo si kooban u micneeya adigoo waqtiga lagu siiyay ku soo koobaya. Arrimahaasu maxay yihiin? Waa kuwo aan 10 ka badneyn midkiibana daqiiqad illaa labo kaga bogan kara waxaana ka mid ah arrimaha Amniga (ciidamada), waxbarashada, shaqada, caafimaadka, dib u heshiisiinta,horumarka, isku xirka dalka & dadka, barakacayaasha (qaxootiga & qurbajoogta), maamulka iwm oo uu mid walba qorshaha uu wax kaga qabanyo in yar oo kooban uu ka sii bidhaamiyo. Intaba waxaa laga doonayay in ay ku soo koobaan muddo 15 daqiiqo ku siman. Laakiin waxaa halkaa iiga soo baxay in inta badan shakhsiyaadka doonaya in Soomaaliya madax ka noqdaan jahadu ka lunsan tahay oo waxa ay doonayaan in ay qabtaan aysan khibrad-ba u laheyn.

Waxaa murashixiintani waqtigii la siiyay iyo weliba dheeraadka uu kaga lumay in ay intooda badani ka sheekeeyaan wixii ay WAA’ ahaan jireen ama soo maray. Sheeko xariirka noocan oo kale ah ma aha wax ummad lagu hoggaamiyo. Haddii aad beri dhakhtar qalliinka ku fiican aheyd ama sida dhagaxa loo jebiyo si fiican u taqaan ama Feylasuuf laga dambeeyo ahaan jirtay waa howl adiga ku khuseysa ee ma aha waxa ay soomaali maanta u baahan tahay. Kama wado in aadan wax aqoon ama aadan madax noqon Karin laakiin xirfaddaas iyo wixii aad soo martay ee taariikh ah adiga ayay ku khuseysaa, arrimahaa oo kale waxaa jirta meel loogu talo galay in lagu qoro, laakiin waxaan kaa dooneynaa in aad wax qabadkaaga dambe naga iibiso… Maxaad dooneysaa in aad noo qabato? …SIMPLE!!!

Adduunkan aynu ku noolnahay waqtigan, shakhsiga madaxweynaha noqonaya wuxuu soo maraa tijaabooyin kala duwan oo ku saabsan waxqabadkiisii shaqo ee arrimaha dowladda iyo hoggaanka, sida isagoo arrimaha siyaasadda ka soo bilaaba dowladaha hoose, xisbi siyaasadeed ama hey’ad kale oo siyaasad & hoggaamin ku shaqo leh. In badan oo kuwaa ka mid ah waxaa u sii dheer aqoon xagga waxbarashada ah sida sharciga, dhaqaalaha, maamulka iwm. Iyadoo intaa laga helay ayuu weliba doorasho sii maraa oo kuwo isaga oo kale ah booska isku ciriirshaan. Laakiin haddaad u sii fiirsato madaxda soomaalida mid ama labo ayaa la oran karaa waa ugu dhow yihiin, Ma aha waa yihiin ee waa ugu dhow yihiin!!. Taasi waxay keeneysaa marka in ay ku fashilmaan wixii ugu horreeyay ee ka caawinayay in uu madax noqdo taasoo ah isa soo sharrixiddiisa.

Mar haddii caqligeena & cilmigeennuba heerkaa joogo, waxaan ku khasbannahay in aan kuwaa haddana sii kala xulanno oo calal-aqal darajada PASS (gudbay) siinno kuwa ugu roon. Illaa iyo hadda 3 shakhsi ayaan oran karaa in imtixaankaa buundo baasid ah ka keeneen. Inkastoo aanan dooneyn in aan magacyadooda sheego haddana haddii aad dhageysatay waad garan kartaa kuwa ay yihiin.

Baarlamaanka

Soomaali isma dhaantee Baarlamaankii cusbaa laftigiisa ayaad moodeysay in ay kuwaa murashixiinta ah wax badan ka duwaneyn. Matalan marka arrimahan oo kale yimaadaan ku saabsan dhageysiga iyo dad kala xulashada, adigu shakhsiga aad doonto taageersanoow fikradda aad doonto aaminsanoow ama ciddaad doonto hadhow codkaaga sii taa adiga ayay kuu gooni tahay, laakiin waxaa jira qaab loo dhaqmo marka aad Baarlamaani tahay, weliba marka aad ku sugan tahay gudaha xarunta baarlamaanka xeerar ayaa jira in la raaco ay tahay.

Waxay aheyd in Baarlamaanku u wada dhageystaan shakhsiyaadkan isa soo sharraxay si isku mid ah oo midna aadan si gooni ah u qiimeyn. Labo jeer ayaad-na u baahan tahay in aad sabciso waa marka uu shakhsiga khudbaddiisa jeedinaya magiciisa lagu dhawaaqo iyo marka uu khudbadda dhammeysto. Xitaa ma aha inta khudbaddu socoto aad wax buuq ama sacab jeediso ama xitaa qosol sida kii meesha ka dhacay oo aniga iigu muuqday mid shakhsi lagu yasayo ku kacdo, illeyn dad baad kala xulaneysaaye. Waa in lagaa dareemo in aad masuul ummad hoggaaminaya aad tahay. Laakiin marka hal shakhsi qudbeynayo sida Madaxweyne iwm waa arrin gooni ah oo taa qaabab kan ka duwan ayaa la sameeyaa. Waxaana xubnaha baarlamaanka laga doonayay in dhammaan murashixiinta isku si ula dhaqmaan xagga sabcinta,dhageysiga, ixtiraamka iwm.

Waxaan sidoo kale maqashiisnahay in mid ka mid ah murashixiinta uu sii sheegay shakhsiga uu R/wasaaraha ka sii dhiganayo haddii la doorto. Ma garan waxa uu ula jeedo, waxaanse u qaatay mid la mid ah tii dhacday markii doorasahda baarlmaanku socotay in shakhsi ku dhawaaqo in codadkii uu helay ku wareejiyay shakhsi kale. Waxan waxay ku tusayaan aqoon darida dadkan ka heysatay arrimahan oo kale. Waana sababta loo yiraahdo aqoontaadu hala socoto khibrad (experience) xagga hoggaaminta iyo maamulka ah.

Waxyaabaha kale ee cajiibka ah ee aan meesha ku arkay waxaa ka mid ah in labo beelood oo beelaha soomaaliyeed ee qaabkan hadda socda lagu saleeyay aysan wax murashixiin ah ugu jirin dadka tartamaya, haddii laga helona hal qof iwm uu yahay, waxaa meesha ka buuxana ay beelihii kale yihiin xitaa beesha saddexaad ee ku wehelisa labadaa beelood kuma badna, Su’aashu waxay tahay marka Yaa u diiday? Ma dastuurkaa sidaa qoraya oo haddii shakhsi beeshiisa ka soo jeeda uu baarlamaanka qabto isaga boos uma bannaana mise xeer hoosaad kale oo aan ku dhaqanno ayaa sidaa qaba? Muxuuse shakhsigani doorasada isaga reebay? Haddii uu iskii uga haray waa arrin wanaagsan laakiin sida ii muuqata waa arrin fashil u eg oo waxay aheyd in uu marashaxnimadiisa sii wato oo calal aqal howsha uu sii qurxiyo oo nidaam u ekeysiiyo hadhow halaga helo haddii la doonee! Ama xitaa farsamooyin kale isticmaalo, sida waan tanasulay ama waan ka haray oo sababta ama duruufta kugu kallliftay aad sheegto, laakiin hal mar ayaa magaceyga & muuqeygaba meesha laga waayay waa foolxumo siyaasadeed oo weyn, tanna waxay ku tuseysaa heerka ay gaarsiisan tahay aqoonta aan ku tuhmeyno madaxda dooneysa in ay na hoggaamiyaan.

Maxaa meesha iiga soo baxay?

Waxaan is lahaa mar haddii baarlamaankan hadda la soo xulay ay Soomaali badan taageertay, khaladaad badan ayay sixi doonaan. Waxaase ii soo baxay ama aan dareemayaa in ay sii bilaabeen khaladaadkii kuwii hore ku fashilmeen. Waan khaldanaan karaa laakiin waa ra’yigeyga iyo sida ay aniga wax iigu muuqdaan. Tusaale haddaan ku siiyo khaladkii ugu horreeyay ee Baarlamaanku galo waxay aheyd iyagoo murashixiinta codkooda dhiibanaya aan magacyadooda la isugu xijin qaabka xuruufta (Alphabetics) loo yaqaan. Waxaa loo kala saaray labo kooxood oo koox weliba maalin la siiyay in ay hadasho. Laakiin kooxdii ugu horreysay ayay aniga saadaasheydu I siineysaa in madaxweynaha cusubi ka soo baxayo. Haddaanan khaladkaa ii muuqanna saadaashaa mid ka duwan ayaa laga yaabi lahaa in ay igu jiri laheyd. Macnuhu waxaa weeye intii ugu tunka weyneyd ayaa kooxda hore la isugu keenay.

Isla kooxdaa hore ayaan haddana waxaan kasii dhex helay labada shakhsi ee laga yaabo in midkood madaxweyne noqdo. Inkastoo aanan dooneyn in aan magacyadooda sheego, haddana waxaan ku gartay isla qaabkaa aan kor ku soo sheegay ee khaladka baarlamaanku galeen kaas oo ah in shakhsiyaadkaa si wanaagsan loo tixgeliyay,dhageystay ama hadaladooda la qiimeynayay. Waxayna taa ku tusineysaa in Baarlamaanku intooda badan ogyihiin qofka ay dooranayaan qaabkii ay doonaan ha u xushaane.

Maxaa haddaba la fili karaa?

Haddii dad badani aaminsanaayeen in Baarlamaankan wax badan kii hore ka duwanaan doono anigu sidaa ma qabo. Haddii doorashadii hore ee Baarlamaanka madaxdiisa lagu soo doortay ay dad badani qancisay anigu sidaa si ka duwan ayaan qabaa. Waxaana ku saleeyay qaababkaa aan kor ku soo xusay amaba sida ay hadda wax u wadaan. Dad badani-se waxay ogaan doonaan marka madxweynaha la doorto ama maalmaha ka haray doorashada ee intaan doorasahdaba la gaarin oo is-qabqabsi, nin jecleysi, laaluush iyo fowdo howshu ku bilaabato .

Ugu dambeyn haddii sida aan sheegayo wax ku sii socdaan waxay u badan tahay in shakhsi muran weyn dhaliya la doorto kaas oo aakhirkii hoggaanka ku fashilma sida marar horeba dhacday kadib markii dad badani ka hor yimaadeen. Baarlaamaankan dal-dalooladu iiga muuqdaan ayaase looga fadhiyaa sidii ay arrimahan oo kale u koontarooli laheeyeen si xitaa iyaga laftigooda waa baarlamaankee fadhiid u noqon oo markaa waa in ay hadda ka sii baaraan dagaan sidii ay hadhow isu badbaadin lahaayeen oo shaqsi wax kala garanaya oo aqoon, waxqabad iyo hurumar diyaar la ah doortaan.

Haddiiba Alle ka badbaadiyo arrimahaa waxaan ku talin lahaa in tababar deg-deg ah loo sameeyo hey’adaha dowladda oo dhan si cabsida iman kartaa u yaraato.

ALLOOW SAHAL UMUURAHA.

Farah Warsame

Melbourne, Australia

Bile1971@hotmail.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here