Musharaxiinta gudoomiyenimada baarlamanka oo maanta qudbado kahor jeedin doona baarlamanka cusub

Xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa isugu imanaya kulan si ay xubnaha u sharraxan guddoomiyanimada uga jeediyaan barnaamijyadooda baarlamaanka hortiisa.

Shirka baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa u sharraxan jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Lix xubnood, waxaana ay kala yihiin:

Cabdi Xaashi Cabdulllaahi
Cali Khaliif Galeydh
Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurriile
Cabdirashiid Maxamed Xiddig
Maxamed Cismaan Jawaari iyo
Xasan Abshir Faarax

Waxaa kale oo u sharraxan Guddoomiye ku xigeenka 11 xubnood, halka guddoomiye ku xigeenka labaadna ay u taagan yihiin Afar xubnood.

Waxaa musharraxiinta laga qaaday lacago qaddimaad ah oo ka badan 40 kun oo dollar.

Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dib loo dhigay laba maalmood.

Hadal qoraal ah oo maanta ka soo baxay xafiiska Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay, Dr Augustine Mahiga, ayaa lagu sheegay in walaac uu ka qabo dib u dhaca weli ku socda dhameystirka liiska xubnaha baarlamaanka, taasi oo khatar gelin karta jadwalka doorashada.

Mahiga waxa uu sheegay in wax dib loo dhigaa aanay jirin.

Waxa uu ku booriyay odoyaasha iyo guddigaba inay dadaalkooda sii wadaan.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka cusub iyo ku xigeenadiisa ayaa la filayaa in la qaban doono maalinta Talaadada ee 28-ka Agoosto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here