Musharaxiin isaga baxay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ( Daawo Sawirada)

Musharaxiinta badan ayaa ku dhawaaqay in ay isaga baxeen tartanka doorashada madaxtinimada Soomaaliya si ay ugu midoobaan hal musharax.

Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdishso ayey ku doorteen musharax ay codkooda ku mideyn doonaan kaasi oo ah Xaaji Maxamed Yaashiin oo kusoo baxay doorasho ay dhexdooda iska sameeyeen.

Musharaxiintaan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kamid ahaa kuwo cusub oo aan hadda ka hor saxaafadda laga maqlin, waxay sheegeen in ay codkooda siiyeen isla markaana uu metelo musharaxa Xaaji Yaasiin Maxamed Ismaaciil.

Halkaan Akhriso Liiska 13-Musharax oo ka Haray Tartanka Doorshada:-

1.Gen. Maxamed Nuur Galaal

2.Maxamad Maxamuud Guuleed.

3.Ismaaciil Maxamed Hurreh Buubaa.

4.Abdulqaadir Xaashi Cali (fish)

5.Eng. Abdi raxmaan Moallim (sharaf)

6.Hussein Khaliif Jaamac

7.Yaasiin Ibraahim Ciise

8.Prof Ahmed Muumin Warfaa

9.Yaasiin Maahi Malim

10.Mohamed Amiin Abdullahi

11.Aasha Ahmed Abdalla.

12.Mohamed Abdi rahmaan Nadiif.

13.Iyo Abdi Rahmaan Xaaji Cabdulle.

Sikastaba musharaxiinta ka tanaasulay tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa har yar uun hoos u dhigaysa tirada musharaxiinta maadaama ay horay aad u badnaayeen.




Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

  1. Waxaan akhriyay warbixintaan laba jeer waxaa igu adkaatay inaan fahmo! maxay musharixiinta ka baxeen? ururkee? Xisbigee lagu midooay? yaa ku guulaystay inuu xisbigu u sharaxo qofka isu taagaya doorashada madaxwaynaha oo ururkaas matalaya? musharaxa sawirkiisa kor ku muujisan miyaa ku guulaystay? sawirkaan magacii musharaxu? fadlan u qora warbixinta si professional ah, bal eega sidaad wax u qorteen lama fahmayo! pls soo muujiya waxa ka maqan warbixinta atleast in la fahmo waxaad ka wadaan!.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here