Musharaxa madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya C/raxmaan Dr. C/llaahi “Baadiyoow” oo lagu qabtay magaalada London

Xaflad qado sharaf oo maanta lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingriiska isla markaana ay ka soo qeybgaleen qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi ayaa lagu qabtay koofur bari magaalada London. Xafladdan oo aheyd mid aad & aad loo soo qabanqaabiyay isla markaana ay hadallo ka jeediyeen xubno aad looga yaqaano magaalada London ayaa ugu horreyn halkaasi hadallo qiimo badan ka soo jeediyay musharaxa madaxtimada dalka Soomaaliya, Dr. “C/raxmaan Baadiyoow” oo uu kaga hadlayay waxyaabihii ku qasbay in uu isu soo sharaxo xilkaasi.

Hadalladii uu halkaasi ka jeediyay C/raxmaan “Baadiyow” waxaa ka mid ahaa;-

1. In Soomaaliya ay yeelato dowlad soo celisa hannaankii dowladnimo ee Soomaaliya;
2. In Soomaalida dhexdeeda laga hirgaliyo dib u heshiisiin dhab ah;
3. In Soomaaliya ay deriskeeda kula noolaato si nabadgelyo ah;
4. In uu la dagaallamo dembiyada abaabulan ee ka dhacaya dalka Soomaaliya.

Musharaxa madaxweynenimo ee Soomaaliya C/raxmaan C/llaahi “Baadiyoow” ayaa qudbaddiisa ku soo gebagabeeyay in uu xilka & mas’uuliyaddaas adag ugu adeegi doono dadka Soomaaliyeed isaga oo aan u kala eexan sharciga hortiisana ay u sinnaanayaan.

Dhinaca kale waxaa iyagana halkaasi ka hadlay dad aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen;-

1. Cilmi Cirro
2. Cali Jarmal
3. Avv. Cumar Dhageey;
4. Dr. Xassan Basey
5. Fanax
6. Sheikh Max’ed Kulmiye
7. Sh. Xussein Maradona

Dadkaasi oo dhammaantood ugu hambalyeeyay musharaxa C/raxmaan “Baadiyoow” in uu Ilaahay ku guuleeyo xilkaasi, iyaga oo ku tilmaamay in uu yahay musharax ku habboon qabashada xilkaasi, waxaana xafladdaasi xiriirinayay “Sheikh Cusmaan Xoosheey”

Xafiiska Wararka Midnimo,  webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com