Musharax, Xilibaano iyo Siyaasiyiin Puntland ka socda oo Kismaayo gaaray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in musharaxii ugu horeeyay, ee u taagan inuu qabto xilka madaxtinimada maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada Jubooyinka Iyo Gedo, ayaa maanta ka dagay magaaladaas.

Waxaa sidoo kale magaalada Kismaayo kusii qul qulaya, siyaasiyiin doonaya Xoojinta shirka halkaas ka soconaya.

Musharaxaan maanta gaaray Kismaayo, ayaa lagu magacaabaa Shiikh Ibraahim Maxamed Shukul, waana nin ganacsade ah oo caan ka ah dalka Kenya, waxa uuna Hotelo waa weyn ku leyahay Xaafada Islii, ee magaalada Nairobi, waxaana markii uu kasoo dagay garoonka Kismaayo, uu shir jaraa’id ku qabtay garoonka, waxaana uu sheegay inuu u yimid Kismaayo, inuu noqdo musharaxii ugu horeeyay ee u tartami doono xilka madaxweyninimo ee Jubaland, oo todobaad kadib la filayo in halkaas ay ka dhacdo doorasho.

Dhinaca kale, waxaa aad usii kordhaya siyaasiyiinta iyo Xilibaanada kusii qul qulaya magaalada Kismaayo, kuwaasoo doonaya in ay taageeraan maamulka halkaas laga dhisayo.

Masuuliyiinta maanta halkaas gaaray, waxaa kamid ah C/wahaab Ugaas Khaliif, oo horay R/wasaare ku xigen iyo wasiirkii ganacsiga ka soo noqday Xukuumadii KMG ahayd, ee uu hogaaminayay R/wasaare Gaas, sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in Xilibaano kor u dhaafaya ilaa 10 ay halkaas gaareen, iyadoo shalayna 42 Xilibaan ay halkaas gaareen.

Sidoo kale goordhow daqiiqado kahor, waxaa Kismayo gaaray diyaarad sida wafdi kasocda maamul goboleedka Puntland, oo iyaga si xoogan u taageersan shirka kasoconya Kismaayo, waxana wafdigaas hogaaminaya Madaxweyne ku xigeenka puntland, C/samad Nuur Guuleed.

Waxaa kaloo wararka soo baxaya ay sheegayaan in laga yaabo, in siyaasiyiin iyo dadkaloo farabadan ay ku biiraan shirka Kismaayo, iyadoo maamulka Kismaayo ka arimiyana ay sheegayan, ineey isku dayayaan ineey halkaas geeyaan Xilibaano kooram dhan.

Cida bixineysa dhaqaalaha ku baxaya shirka:

Marka la fiiriyo Siyaasiyiinta waaweyn ee Kismaayo gaaray, Xilibaanada faraha badan, waxay dadka falanqeeya siyaasada is weydiinayaan halka uu maamulka Kismaayo ka keenay dhaqaalaha faraha badan ee dadkaas lagu soo jiitay.

Sidoo kale waxaa is weydiin mudan sida dhagaha looga fureysanayo hadalada iyo talooyinka doowlada ay soo jeedisay, taasoo muujineysa ineey jiraan dalal waaweyn oo gadaal ka riixaya maamul u samaynta jubaland, kuwaasoo dano gar ah ka leh, maamulkaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here