Musharax Xasan Sheekh oo qado sharaf u sameeyey Xildhibaanadda cusub.

Musharax Xasan Sheekh Maxamuudahna Xildhibaan ka tirsan Baarlmaanka Soomaaliya ayaa maanta Hotelka Safaari ee magaaladda Muqdisho kulan qado ah kula qaatayku dhowaad 150 Xildhibaanoo ka tirsan Baarlmaanka cusub ee Soomaaliya.

Qadada ka dib ayaa waxaa kulanka ka hadlayGudoomiye Xigeenkii hore ee Baarlmaanka Cabdi Wali Ibraahim Muudeeyoo sheegay inBaarlmaanka cusub uu doonayo Isbedel isagoona ku baaqay in xildhibaanada codkooda siyaan Prof Xasan Sheekh.

“Maanta meesha aan taaganahay waa muhiim siyaasaduna waxa ay rabtaa is bedel waad ogtihiin in sxbkey Shariif Xasan labo xafladood kala joogno aniga waxaan aaminsanahay Xasan Sheekh in uu yahay ninkii dalkaan dhibka ka saari lahaa” Ayuu yiriXildhibaan Cabdi Wali Muudeey.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqoro oo ka hadlay kulankaayaa Xildhibaanadau sheegay in ay doortaan aqoon yahay kartileh isagoona tusaale u soo qaatayXasan Sheekh Maxamuud oo ah hogaamiya Isbadel doon ah.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeeyroo isanaka hadlay kulankaayaa ku sheegay in Musharax Xasan Sheekh uu yahay ruux ka wal wala xaaladda dalka lehna dareen qaranislamarkaanataariikh wanaagsan ku leh bulshadda Soomaaliyeed iyo aduunkaba.

Waxaa ka mid ahaa Xildhibaanaddii ka hadlay kulanka XildibaanMaxamed Cabdi Xayir Maareeye, Xildhibaan Dhalxa, Maxamed Rashiid iyo kuwa kale oo dhammaantoodba hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay wajiyo cusub islamarkaana ammaan iyo mudnaan madaxtinimo kutilmaamay Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeeyntiiMusharax Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay kulanka ayaa qudbad soo jiidatay Xildhibaanadda jeediyey, waxa uuna tilmaamay in uu biloowday isbadelka , waxa uuna dalbaday in isbadelka la sii dhiiro geliyo.

”Dowladnimadu waan wada leenahay anigana waxaan noqon doonaa kii fududeeynayay idinkanuna aad ka shaqeysaan, isbedelku waa biloowday aanu dhameystirno anigunais bedel ayaan u tagaanahay”ayuu yiri Musharax Xildhibaan Xasan Sheekh.

Marka la fiiro saameeynta Musharaxaaniyo sida ay u hadal hayaan Xildhibaanadda ayaa fursad xoog leh u siin karta in uu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya oo berri musharaxiin badan u tartami doonaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here