Musharax Xasan Sheekh oo olole xoog leh ka wada Muqdisho

Kadib marki uu magaalada shalay si aad ah uga muujiyey ololahiisa doorashada gudaha Muqdisho ayuu gelinki danaba Xasan Sheekh Maxamuud kulan ismuujin ah kula qaatay Hotel City Palace odayaal iyo waxgarad.

Prof. Xasan Sheekh oo ay dadka inti aanan aqoon hada ka barteen boorar uu ku dhajiyey wadooyinka muhiimka ah iyo Isgoysyada Muqdisho ayaa   ololahiisa uu ku rabo inuu ku noqdo madaxweynaha Soomaaliya xoojiyey, waxaana uu shalay qudbado u jeediyey qaar ka mid ah Odayaasha Beesha Hawiye iyo xildhibaano.

Sidoo kale kulanka waxa ka soo qaybgalay Barbaarta Gaashaaman oo Halkaasi ku soo bandhigayay Suugaan ay ku Amaanayeen Musharax Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa halkaasi ka hadlay oo Qudbado kala duwan ka jeediyay Odayaashii iyo Waxgaradkii kulanka kasoo Qaybgalay waxana ay sheegeen in Xasan Shiikh uu yahay Aqoonyahan u qalma Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya ayna Taageersanyihiin.
Sidoo kale waxay sheegeen dadkii halkaasi ka hadlay in Musharax Xasan Sheekh Maxamuud uu karti iyo aqoon uu u leeyay samatabixinta wadanka, oo haatan ku jira xaalad adag.

Ugu Dambeentii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyahay Xisbiga Nabada iyo Hormarka Ahna Mushrax u taagan Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxmuud waxaana uu sheegay in haddii uu ku guuleysto Xilkaasi uu wax ka badali doono sida Hadda Xaalku uu yahay.

Prof. Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahanyahay musharax u istaaga badbaadinta wadanka iyo waliba kasamatabixinta xaalada wadanka uu haatan ku jiro, wuxuuna sidoo kale uu sheegay in loo baahanyahay in la helo ruux daacad u ah wadanka.

Dad badan ayaa aaminsan in Profesor-ka uu dadaalay hada laakin uusan ku jirin musharaxiinta loo saadaalinayo in ay guul ka keenaan doorashada dhici doonta 10-ka bishan, balse uu mustaqbal wanaagsan ku leeyahay siyaasada.

Dadka lafa guro siyaasada iyo ra,yul caamka guud ee Muqdisho ayaa sheegaya in labada nin ee sida aadka ah ugu tartami doonta doorashada soo aadan in ay noqon doon Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Dr. Cabdiwali Gaas.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here