Musharax Xasan Sheekh oo la kulmay bahda Waxbarashada

Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP ahna Murashaxa xilka madatnimada Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan la tashi ah la qaatay bahda waxbarashada iyo aqoon yahanada Soomaaliyeed

Ugu horeeyn kulanka wadatashiga ah ayaa waxaa furay xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Mr Xamsa Cabdi Aar oo u mahad celiyey aqoonyahandii ka soo qeyb galay kulanka latashiga ah ee maanta ka dhacay Hoteelka Safari ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ahna Murashaxa xilka Madaxtinimada Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo marka hore ka hadlay kulanka ayaa u bandhigay aqoonyahanadii ka soo qeyb galay kulanka la tashiga ah labo su’aalood .

Intaasi ka dib ayaa ka qeyb galayaashii kulanka waxa ay bilaabeen in ay Murashaxa iyo Xisbiga u soo gudbiyaan talooyin iyo fekero ku aadan sulaaha la weydiiyey iyagoona su’aalo weydiiyey prof Xasan Sheekh , waxaana ka mid ahaa qodabadda.

In Dowladda cusub waxbaarshada qasab uga dhigtaa dadka.
In Dowladda cusub xooga saarto la dagaalanka musuq maasuqa.
In Dowladda cusub si cadaalad ah u bixiso minxooyinka.

Sidoo kale waxaa jiray qodabo kale oo loo jeediyey murashaxa iyadoona ay jireen su’aalo barbar socday talooyinka oo mursahaxa la weydiinayey, isagoona ugu dambeen ka jawaabay su’aalaha islamarkaana sheeegay in uu qaadan doono dhamaan talooyinkii loo jeediyey.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP ahna murashaxa u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay daruuri tahay in Dowlad wanaagsan oo ay aamisan yihiin shacabka Soomaaliyeed laga hergeliyo dalka Soomaaliya.

Murashaxa Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay aqoonyahanada Soomaaliyeed in ay qeyb ka qaataan sidii dalkaan loo badbaadin lahaa islamarkaana umadda looga faa’iideen lahaa isbadalada jira.

Xasan Sheekh oo ka jawaabayey su’aal u ku saabsaneey musuq maasuqa duleeday Dowladda ayaa sheegay in musuq uusan ahayn midka maaliyada keliyah ee ay jiraan noocyo kale oo ay ka mid tahay nnin jacleeysi, caburin iyo wixii la mid ah.

‘’ musuq-maasuqu maahan kaliya mid la xiriira dhanka maaliyada ee waxaa uu leeyahay noocya badan oo ay kamid tahay, nin jeclaysiga, caburinta dadka inay ra’yigooda dhiibtaan, iyo wixii la halmaala”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Murashax Xasan Sheekh labadii todibaad ee ugu dambeeyey kulamo la tashiyo ah la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan waxa uuna horay uu ula soo kulmay, bahda Saxaafada, Dhalinyaradda, Haweenka iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here