Musharax Farmaajo oo Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cusub

Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Ra,iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya iminkana ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimida dalka Soomaaliya oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Cusub ee Soomaaliya u dhalaneyso looga bahanyahay in aysan Ammaanka kaliya xil iska saarin oo ay wax ka qabato dhaqaalaha Dalka iyo siidii ay u maal gashan lahaayen dalalka Shisheeye ee dhaqaalaha heysta.

Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in hadii loo doorto Madaxweyninimo uu wax ka badan oo looga bartay inuu dalka ka qaban doono, isagoona intaasi ku daray in Al-Shabaab uu ka sifeyn doono guud ahaan dalka.

Hadalka Farmaajo ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo shalay xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya shalay Magaalada Muqdisho ay ku doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo la wareegitaankii ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here