Mursi: “Masar ma ahan masartii shalay ee Srael hajoojiso cadawtooyada”

Madaxweynaha dalka masar Maxamed Mursi ayaa sheegay in Masar ay Gaza kaligeed ku fiirsan doonin gardarada Yuhuuda, Mursi ayaa waxa Gaza kasocoda ku tilmaamay xaasidnimo kadhan ah bini’aadanimada.

Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay salaadii jimcaha kadib ayaa yiri: “Waan aragnaa waxa Gaza kasoconaya, oo ah cadowtooyo cad islamarkaasna kabaxsan bini’aadanimada, waxaana digniin udirayaa cadawga soo duulay ha’ogaadaan ineysan waligood ku amar taagleeyn doonin shacabka reer falastiin”.

“Qaahira kuma fiirsan doonto Gaza kaligeed, waxaan leeyahay Masar, Masartii hore weey ka duwantahay, carabta maantana Ma’ahan Carabtii shalay” ayuu yiri madaxweyne Mursi oo lahadlayay dad isugu soo baxay magaalada Qaahira salaadii qudbada kadib.

Sirdoon Sraeli ah oo la daldalay:

Dhanka kale war kasoo baxay Xamaas ayaa lagu shegay in maanta la daldalay mid kamid ah sirdoonada Srael ugu weyn, kaasoona Srael ka gacan siiyay dilal lo gaytsay madax farabadan oo katirsanaa dagaalyahanada Xamaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalyahano hubeysan ay rasaas ooda kaga qaadeen nin taagnaa wadada lagu magacaabo “Al-jalaa” kuna taalo waqooyiga Gaza, iyagoona markii danbo ka tagay markii uu dhintay.

RW Masar oo maanta booqday Gaza:

RW Masar Hishaam Qindiil oo booqasho hal maalin ah kujooga marinka Gaza, ayaa mar uu maanta booqday Isbtiaalka Gaza waxa uu sheegay in waxa Gaza kasoconaya ay tahay musiibo, waxa uuna Srael ugu baaqay ineey joojiso cadawtooyada ay ku hayso shacabka reer Falastiin.

Booqashada masuulkan Masar kasocda ayaa waxay muujineeysaa sida Qaahira ay ugarab taagantahay shacabka dulman ee reer Falastiin qaasatan Gaza oo labadii maalmod ugu danbeeysay ay srael duqeeymo iyo garaacis ku haysay.

Diyaaradaha dagaalka Srael ayaa maanta sii laba jibaaray duqeeymaha ay kuhayaan meelo badan oo kamid ah Gaza iyadoona wali ay ku suganyihiin wafdiga kasocda Masar.

Dhanka kale wariyayaasha ku sugan halkaas ayaa soo sheegaya in Xamaas garabka Qasaam ay sheegeen ineey iyagana maanta 42 gantaal oo nuuca looo yaqaan “Xijaaratu Sijiil” ay ku ganeen dhanka Srael.

Ilaa iyo hada waxaa dhimashadu mareysaa 21 qofood oo reer Falastiin ah islamarkaasna isugu jira shacab, dagaalyahano iyo 5 caruur ah tan iyo markii ay srael bilaawday weerarka cadawtooyada ah.

Dhanka kale waxaa dhintay 3 Reer Srael ah oo ay ku jiraan laba haween ah kuwaasoo uu haleelay Gantaal laga soo ganay dhanka Gaza kuna soo dhacay xaafad lagu magacaabo “Kiiryaat Maalaashii” oo ku taal koofurta Srael.

Srael oo u yeeratay ciidamadeeda Keydka:

Srael oo u muuqaneeysa ineey ku fashilantay howl galkeeda ayaa hada u yeeraneeysa ciidamadeeda keydka oo gaaraya ilaa iyo 30,000 oo askari waxaana macquul ah in srael ay dooneeyso ineey weerar dhulka ah ku qaado Gaza.

Turkiga oo kahadlay arinta Gaza:

RW Turkiga Rajab Dayib Ordogan, ayaa sheegay in Srael weerarka ay ku qaaday marinka Gaza ay tahay ujeedo uu Binjamin Natanyahu kaleeyahay in uu doorshada isbuucyada soo aadan kadhaci rabta Srael uu ku marin habaabiyo maadaama uu lumiyay kalsoonida shacabkiisa.

Ordogaan, waxa uu sheegay inuu qadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha masar Mursi islamarkaasna ay kawada hadleen xaalada murugsan ee Gaza, sido kale waxa uu sheegay inuu la xiriiray madaxweynaha mareeykanka Obama ayna isku afgarteen in labada dhinac lagu cadaadiyo sidii lo joojin lahaa dagaalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here