Murashaxa madaxweynaha Xasan Sheekh oo la kulmay odayaasha dhaqanka ee Puntland

Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Hormarka ahna Musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah Qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa wuxuu ka dhacay Xarunta Xisbiga ee magaalada Muqdisho, waxaan sidoo kale goob joog ka ahaa masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Nabada iyo Horumarka.
Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay labo qodod oo kala ahaa.
Caqabadaha Heesta Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Waxa ay u baahanyihiin Suxufiyiinta hadii gudoomiyaha Xisbiga uu qabto xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Labadaan qodod ayaa waxaa ka hadlay oo si aad ah u falanqeeyay Masuuliyiinta qaybo ka mid ah warbaahinada Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho oo ayagu kulanka ka soo qaybgalay.

C/risaaq Jaamac Cilmi Oo ka mid ah Masuuliyiinta Tvga Somali Chanel xaruntiisa magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in loo baahanyahay in suxufiyiinta Soomaaliyeed la ogaado wax qabadkooda.

Wuxuu sheegay dhibaatooyinka ay la kulmaan suxufiyiinta Soomaaliyeed ee la arko oo ay ka mid yihiin dilal iyo wax yeelaynta in ay ka sii badanyihiin dhibaatooyinka kale ee ka badan kuwaasi oo aanan la arkin.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Suxufiyiinta Shabakada wararka Raxanreeb.com Xarunta magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ay la kulmaan suxfiyiinta Soomaaliyeed ay qayb ka yihiin Masuuliyad daro ka imaanta dhanka suxufiyiinta iyoi waliba mid ka imaata maamulka jira sida dowlada.

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahanyahay in dowlada iyo maamulka jira ay ixtiraamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, si ay u gutaan howshooda.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabada iyo Horumarka Prof. Xasan Sheekh Xamuud oo gaba gabadii kulankaan ka hadlay ayaa wuxuu sheegay, in hadii uu ku guuleesto xilka madaxtinimada Soomaaliya uu xaqdhowri doono suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed la siindoono muhiimada koowaad marka loo eego suxufiyiinta ajaanibta ah, asoona carabka ku dhuftay in la samayn doono sharciga saxaafada Soomaaliyeed kala hagaya.

Dhankale Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Ahna murashaxa xilka madaxtinimada Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulanka warbaahinta ka hor waxa uu xarunta Xisbiga kula kulmay Odayaasha ka soo jeeda Puntland ee Muqdisho u jooga in ay soo xulaan ergooyinka Dastuurka iyo soo xulida Xildhibaanada Baarlmaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.