Muran Weli Taagan Qab Qablayaashii Dagaalka

Muran xoogan ayaa weli ka taagan xubnahii u badnaa qab qablayaasha dagaalka ee loo diiday in ay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya

Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo kamid ah guddiga arrintaasi loo saaray ayaa sheegay in Xildhibaanadii shalay la dhaariyay aysan ahayn kuwii lagu muransanaa ee uu soo celiyay gudigii farsamada laakiin ay ahayeen oo kaliya kuwii ay beelahoodu isku haysteen.

Mudanayaasha qaarkood oo horay uga tirsanaayeen Baarlamaankii waqtigoodu dhamaaday ee Soomalia ayaa Mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa Muran Xoogan oo soo kala dhex galay Gudigii farsamada soo xulista Baarlamaanka iyo Madaxwayne Shariif Sheikh Axmed oo isagu dhifaacayay Xubniahaasi una ololeynayay in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka

Waxaase Murankaasi uu cirka isku shareeray Markii Madaxwaynuhu Ugudbiyay Maxkamada Sare Ee Dalka isla Markaaana Maxkamadu ay Go.aamisay in aysan dambiilayaal ahayn dadkaasi ayna ka mid yihiin Baarlamaanka iyadoo siisay Kaararka aqoonsiga .waxaana la filayaa in maanta lagu dhawaaqo Go.aanka laga gaaray.

Sikastaba dhowaan ayaa lagu wadaa in go’aan rasmi ah laga gaaro xubnahaasi oo la sheegay in ay u badan in Baarlamaanka laga saaro.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here