Muran ka dhashay dil loo geystey kalluumeysato Hindi ah oo u dhexeeya dalalka Hindiya iyo Talyaaniga

Muran ka dhashay dil loo geystey labo kalluumeysato Hindi ah oo ay dileen ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Talyaaniga ayaa la sheegay in uu gaaray meeshii ugu sareysey.

Murankan ayaa ku saabsan halka lagu maxkmadaynayo ciidamadan ka tirsanaa kuwa badda ee dalka Talyaaniga iyadoo dowlada Hindiya ay ku adkeysanayso in ay dalkeeda lagu qaado maxkmada.

Ciidamadan ka tirsan kuwa badda ee dalka Talyaaniga ayaa ku qalday kalluumeysatadan inay yihiin burcad badeed Soomaali ah kadib markii ay rasaas ku fureen markab kalluumeysato Hindi ah ay saarnaayeen oo marayay biyaha badweynta Hindiya 15kii bishan sida ay daabacday AP.

Waxana ciidamadan Talyaaniga ah ay haatan ku xiran yihiin dalka Hindiya waxana ay ilaalo ka ahaayeen markab ganacsi oo la magacaabo Enrica Lexie.

Dowlada Hindiya ayaa u oggolaatay kalluumeysatadeeda inay hub qaataan oo ay is ilaaliyaan.

Ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibada ee dowlada Talyaaniga Staffan De Mistura ayaa u duulay dalka Hindiya si uu ugala xaajoodo arrimahan dhigiisa dalka Hindiya  Preneet Kaur.

Dowlada Hindiya ayaa waxaa ay ku adkeysanayaan inay dalkeeda lagu saaro ciidamadan maxkamadan maadaama dadka la diley ay ahaayeen Hindi halka dowlada Talyaaniguna ay ku adkeysanayso inay xaq u leedahay in ragan ay dalkeeda ku maxkamadayso maadaama halka uu falka ka dhacay ay ahaayeen biyaha caalamiga ah.

Bilooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay cabsida laga qabo in dad aan burcad badeed ahayn lagu qaldo maadaama maraakiib badan la saaray ilaalo hubeysan.