Muqdisho:Xeebta Liido oo loo sameeyay ciidamo ammanka suga Sawiro

Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, ayaa
maalmaha Jimcaha iyo Khamiista waxaa yimaada dad aad u badan kuwaasoo
u soo dabaal taga, halka qaarna ay jecel yihiin in ay soo arkaan
neecowda xeebta iyo udgoonkeeda.

Xeebta Liido, oo ay ka furan yihiin hotelo iyo maqaayado lagu
cunteeyo, waxaa dhawaan ka dhacay labo qarax oo ay fuliyeen rag soo
xirtay wax yaabah qarxa, waxaana wax yeelo dhimasho iyo dhaaac ka soo
gaartay dad ku sugnaa maqayadahaas laga cunteeyo.

Xeebta iyo xarumaha maqaayadaha ee ku yaalla Liido waxaa hadda la
dhigay ciidamo gaar ah oo waardiyeeya ammaanka guud ahaan xeebta
Liido, ciidamadan ayaa waxa ay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya,
waxaana marka aad tagtid xeebta aad ku arkeysaa ciidamo badan oo gaaf
wareegaya xeebta Liido.

Dadka laga shakiyo waa la baraa, laakin wax khalkhal xagga ammaanka
ah, kuma yeelan imaashiyaha ciidamada xeebta Liido.

Wariyaasha Shabakadda Midnimo ayaa maanta booqday xeebta Liido iyagoo
soo arkay isbadalka ka dhacay xeebta Liido oo aad ku arkeesid
baabuurta ciidanka Booliska iyo ciidamo boolis ah kuwaasoo ku sugan
xeebta Liido.

Si kastaba, xeebta waxaa laga dhisayaa hotelo iyo xarumo kale oo lagu
nasto kuwaasoo ku yaalla xeebta meelaha ku dhow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

2 COMMENTS

    • Mahadsanid mudane, Yaxye Maxamuud Cabdulle, waan kula soo xiriiri doonaa in shaa allah, waan ku faraxsanahay in aad nala soo xiriito wariyaal dhowr ah ayaa hadda magaalada Muqdisho nooga shaqeeya. Mahadsanid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here