Tabeelayaasha Xayeysiinta oo laga mamnuucay Goobaha lagu Nasto

War maanta kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay Tabeelayaasha Xayeysiinta ee laga dhex taago Gooboaha lagu nasto iyo hareeraha Taalooyinka Caanka ah ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa warbaahinta u aqriyay wareegto ka soo baxday gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) wareegtadaasi oo lagu mamnuucayay in tabeelayaal laga taago darjiinooyinka iyo taalooyinka.

Afhayeenka ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir uu ku howlanaa mudooyinkii ugu danbeeyay dib u soo celinta adeegyada bulshada sida nadaafada magaalada,naleeynta,dib u dayac tirka iyo hagaajinta wadooyinka magaalada muqdisho,taasoo qeyb ka qaadan karta quruxda magaalada.

Maamulka Gobolka banaadir ayaa si rasmi ah u mamnuucay in tabeelo la suro darjiinooyinka nasashada,taalooyinka iyo darjiinooyinka ku dhex yalla wadooyinka laamiga ah.

Dhanka kale maamulka Gobolka ayaa mudo Isbuuc ah u qabtay Tabeelayaashii horay loo suray Goobaha aan kor kusoo xusnay..

Maamulka ayaa uga digay dhamaan shirkadaha sameeya tabeelooyinka xayeeysiinta in tabeelooyin laga taagi Karin goobaha uu maamulku sheegay.

Maamulka Gobolka ayaa mudooyinkii danbe ku mashquushanaa dib u soo celinta Bilicda magaalada Muqdisho oo ay haatan ka socdaan howlo farabadan, sidoo kale maamulka ayaa dib u dhis ku wada dhamaan goobihii lagu nasan jiray iyo Jardiinooyinka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here