Muqdisho:Saxaafada oo mudo 60 maalmood ah laga mamnuucay Garoonka Aadan Cadde

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Aadan Cadde, General Cabdi Ashkir Jaamac, ayaa maanta soo saaray warqad digniin ah oo ku wajahan Warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo midda dowladaba.

Maareeyaha, ayaa sheegay inaysan gudaha u soo geli karin Warbaahinta, muddo dhan lixdan cisho, sababo la xiriira arrimaha nabadgelyada.

Waxaa uu hay’adaha amniga uu ku wargeliyay inay fuliyan awaamiirtan, cidii jebisaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah, sida ganaax shirkadeed, xarig iyo in laga mamnuuci doono soo gelitaanka Garoonka.

Awaamiirta lagu soo rogay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli Magaalada Muqdisho ay ka socoto qaban-qaabo loogu diyaar-garowbayo soo dhawaynta Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa la hadalhayaa in berrito uu ku soo wajahan yahay Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here