Muqdisho:Isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo dib u furmay

Isku socodka dadka iyo gadiidka magaalada Muqdisho ayaa saakay si caadi ah u bilaawday, kadib 2 maalin oo ay kala xirnaayeen.

Gaadiidka dad weynaha, iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa saakay si caadi ah u shaqeeynaya, gaar ahaan wadooyinka Maka Al-mukarama iyo wadnaha oo ahaa labada wado ee ay si gaar ah u saameeyeen howlgalo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Muqdisho.

Muqdisho, ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ahayd magaalo kala xiran, oo aanu jirin wax gaadiidka ah oo sheeg dhaqaajinayay, waxaana dad weynaha ay ahaayeen kuwo lugt ku tagayay goobahooda ganacsiga iyo waxbarashada.

Maamulka gobolka banaadir oo warbaahinta lahadlay, ayaa iyagu sheegay ineey soo gaareen fariimo ku saabsan in Al-shabaab ay doonayaan ineey weeraro ka geystaan magaalada muqdisho, sidaas darteedna ay u xireen wadooyinka magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here