Muqdisho: Yeey tahay cida hor-taagan xuquuqda Gobolka Banaadir?

Gaas iyo Axmed Madoobe oo hortaagan xuquuqda Gobolka Banaadir
Gaas iyo Axmed Madoobe oo hortaagan xuquuqda Gobolka Banaadir

Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen si cad uga horjeestay in wax laga bedelo heshiiska doorashada 2016, iyadoo si cad uga hor yimid in Gobolka Banaadir xubno laga siiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan shirar ay leeyihiin madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulada dalka ka jira oo looga hadlayo sida looga gudbi karo is mari waaga ku saabsan qaabka doorashada.

Warar ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in xaalada ay isu bedeshay qabyaalad iyadoo ay dhinac kasoo jeedaan Madaxda Beesha Daarood Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo diidan Gobolka Banaadir inuu wax xubno ah ku yeeshaan Aqalka Sare iyo beelaha Hawiye iyo Digil Mirifle oo dhinaca kale kasoo jeeda.

Jubbalanad007 Jubbalanad008

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here