Muqdisho: Xubnaha UN-ka oo Muqdisho yimid

Xubno katirsan UN-ka oo socdaal taariikhi ah Muqdisho ku yimid
Xubno katirsan UN-ka oo socdaal taariikhi ah Muqdisho ku yimid

Xubno katirsan Golaha amaanka ayaa maanta socdaal Taariikhi ah ku yimid magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo beegay xili baarlamaanka Soomaaliya laga sugayo inuu ansixinta heshiiska doorashada 2016 oo in muddo ah dood kulul iyo is mari waa ay hareysay.

Wafdigan ka xubnaha golaha amaanka ka tirsan ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Cumar Carte Qaalib, waxayna kulan ay ku qaateen xarunta Xalane, wuxuu Ra’iisul wasaare kuxigeenka warbixin ka siiyay halka ay mareyso diyaargarowga loogu jiro doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan gudihiisa.

Xubnaha golaha amaanka ayaa ujeedadoodu tahay in Madaxweynaha, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha kala hadlaan sidii aan dib loogu dhigi laheyn doorashada, waxayna sidoo kale ka qeyb geli doonaan ansixinta heshiiska doorashada ee lagu gaaray shirkii madasha Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here