Muqdisho: Xildhibaankii 2-aad oo la dilay

Muqdisho: Xildhibaankii 2-aad oo la dilay
Muqdisho: Xildhibaankii 2-aad oo la dilay

Kooxo hubeysan ayaa degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku toogteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Isaaq Mursal, waxaana lagu toogtay meel ku dhow gurigiisa.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay durba baxsadeen.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka xildhibaanka.

Waa xildhibaankii labaad oo muddo 24-saac ah lagu dilo magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here