Muqdisho: Xildhibaan ka badbaaday weerarkii Ambasador oo xog badan bixiyay+Cod

WeeXildhibaan Cabdillahi Xaji Dayi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaaka federaalka Soomaaliya oo ka mid noqday dadki ka badbaaday weerarka hotel Ambassador ayaa ka warbixiyey sidi uu u dhacay weerarka.

’’Qolkaan ku jiray abaaro 5:30-ki galabnimo camal ayaa qarax weyn soo dhacay dhanka laamiguu kasoo dhacay, albaabki iyo daaqadi oo duulaya ayaa iga hor yimid kadibna qarrax labaad ayaa dhacay. Qaraxi labaad ayaa kadibna dad badan ayaa dhintay waxaana dadka ugu badnaa ee dhintay ay ahaayeen dadki banaanka marayey.’’ Ayuu yiri xildhibaanka oo saaka la hadlay idaacada VOA.

Halkaan Riix oo dhageyso

Dhanka kale labada xildhibaan ee ku dhintay weerarki shalay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen aqoonyanada Soomaaliyeed ee kasoo laabtay dalka Ingiriiska si ay uga qeybgalaan dib u dhiska dalka.

Xidhibaanad Faduma Xasan Cali, oo aad u garaneysay labada marxuum ayaa sheegtay in xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne uu u tagay hotelka si uu usoo booqdo xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure oo yara xanuunsanaa, Waxay sheegtay in sida ay xogta ku heshay labadaba lagu dilay qolka uu hoteelka ka daganaa xildhibaan Guure.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here