Muqdisho: Waa kee qodobka ugu adag ee hor yaala shirka madaxda madasha qaran?

2-44Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Qodobka ugu culus ee shirka madaxda Madasha qaran hor yaala, ayaa ah Xubnaha Gobolka Banaadir ku yeelaneyso aqalka sare, kaasoo horay looga tegay.

3-43

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa culeys kale oo siyaasadeed soo wajahay, kadib markii uu xili dambe kusoo baraarugay arinta Gobolka Banaadir, waxaana uu rajo ka qabaa in madaxda madasha ay aqbalaan in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho aqalka sare.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, ayaa iyagu si weyn uga soo horjeeda in Gobolka Banaadir uu xubno ku yeesho aqalka sare.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here