Muqdisho: Tuuryare oo xilkii laga qaaday

2013121171138120580_20War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in madaxweyen Xasan Sheekh uu xilka ka qaaday taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Madaxweynaha ayaa taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , si KMG ah ugu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey inuu noqdo La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here