Muqdishu: Turkish Airlines ayaa maanta dib u bilowday duulimaadyadii

airlines

Turkish Airlines ayaa Magalaada Muqdisho dib uga bilowday duulimaadyadii caalamiga ahaa ee Muqdisho Istanbul kadib markii ay muddo ay hakisay dulimaadyadii.

Turkish Airlines ayaa hakisay 2dii bishii Febraayo kadib markii ay heshay xog in qaraxyo lala damacsan yahay duulimaadyadeena.

Maanta markii saacadu aheyd 3:35am (Flight Number TK-687)ayaa waxaa garoonka diyaarada Aadan Cadde Intenation Airport ee Muqdisho ka soo degan rakaab ugu horeeyay oo ka kala yimid dunida dacalaeeda.

Duulimaadka Diyaaradda Turkish Airlines ayaa ahaa Istanbul-Muqdisho, waxaana markii ay rakabaakii u horeeyay ka soo dejisay magaalada Muqdisho ay qaaday rakaab kale oo ku sii jeeday Jabuuti iyo Istanbul.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u bilaabida howlihii duulimaad ee shirkadda Turkish Airlines ay ka dambeysay markii wada hadal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Turkiga oo saaxibo dhow ah, waxaana horay labada dhinac ka wada hadleen wax ka bedelka ammaanka garoonka.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo dadka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo degaya ay marayaan dhowr baaritaan oo banaanka iyo gudaha garoonka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here