Muqdisho: Turkiga oo Dhar Ciidan ugu deeqay Ciidamada Asluubta Soomaaliya

asluubta-640x480Taliyaha Ciidanka Asluubta Soamliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Maanta ka guddoomay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bakar iyo Masuuliyiin ka socday Ha’yada TIKA Dhar Ciidan.

Safiirka oo soo Booqday Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa si diiran ayaa loogu soo dhaweeyey Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta waxaana ay Salaam sharaf ka qaateen Cutub ka tirsan Ciidanka Asluubta

S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga Warbixiyey sida ay u shaqeeyaan Ciidanka iyo sidoo kale Nolosha Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran.

Taliyaha ayaa Ambassador Olganoo ugu horrayntii uga tacsiyadeeyay dhibaatadii ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk,kadibna waxa uu ka mahad eliyey Deeqdan ay soo gaarsiiyeen.

Ambassador Olgan Bakar ayaa dhankiisa sheegay in ay kordhin doonaan Deeqaha ay siiyaan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaana uu Tilmaamay in Dowladda Turkiga ay ka Go’an tahay Caawinta Umadda Soomaaliyeed .

as as1 as2 ra

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here