Muqdisho :Tartanka xiddiggaha kubadda cagta oo galabta kulan ka tirsan la ciyaari doono.

Waxaa galabta lagu wadaa, in garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, ay ka dhacdo mid ka mid ah kulamada tartanka xidiggaha kubadda cagta.

Tartankan oo si rasmi ah uu u furmay Isniintii horre, ayaa waxaa ka qaybgalaya ilaa 7-koox oo ku ciyaaraya magacyada shirkadaha ganacsiga ee ka dhisan dalka.

Galabta waxaa ciyaari doonaa Global Hotel iyo Email Naitiolink. labadan koox ayaa waxa ay hoggaanka u hayaan kala horeenta tartanka kubadda cagta.

Kooxaha degmooyinka Boondheere iyo Shibis oo galabta isku dhaggan

Dhinaca kale, waxaa galabta la ciyaari doonaa kulan ka tirsan tartanka degmooyinka ee kubadda kolayga waxaana ku ballansan degmooyinka Shibis iyo Boondheer. labada koox ayaa waxa ay ka mid yihiin kuwa loo saadaalinaayo in ay ku guuleestan tartankan sida ay lee yihiin dadka daawada ama u dhuun dalooda ciyaaraxan.

Tartankan waxaa ka qaybgalaya ilaa 10-degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho. waxaana u soo daawasho taga dad aad u  badan.

Natiijadda labadan ciyaarood ee kubadda cagta iyo kubadda kolayga kala soco shabakadda Midinimo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here