Muqdisho :Tartan lagu maamuusayay maalinta TB-da oo la qabtay

Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ka dhacay tartan Orad ah, oo  lagu xusayay maalinta wacyi-gelinta cudurka Qaaxada (TB) oo ku began 24-ka March oo ah maanta.

Sannad kasta maanta oo kale, adduunka waxaa laga xusaa maalintan oo kale, waxaa la qabtaa ciyaaro kala duwan.

Hadaba xiriirka cayaaraha fudud ee Soomaaliya oo kaashanaya hay’adda caafimaadka adduunka WHO, ayaa maanta garoonka Banaadir Stadium ee magaalada Muqdisho ku qabtay tartan Orod oo ay ka qaybgaleen in ka badan 50 dhalinyaro ah oo ka kala socday dugsiyada iyo kooxaha, ayaa ka qayb-galay tartankan orodka ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan xiriirrada kala duwan ee hoos taga GOS iyo mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ayaa ka qeyb-galay munaasabadda.

Markii uu tartanka Oradka soo dhammaaday ayaa koobab iyo billado kala duwan waxaa gudoonsiiyay cayaartoydii kaalimaha fiican ka galay tartankan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo tartan lagu xusaayo maalinta loo asteeyay maalinta wacyi-gelinta cudurka Qaaxada (TB) laga xuso Muqdisho, laakin wuxuu ahaa tartankii dadkii ugu badnaa ay ka soo qaybgaleen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here