Muqdisho: Shirka Madasha oo maanta furmaya & Qodobada miiska saaran

Shirma madasha wadatashiga MuqdishoShirka Madasha Hogaanka Qaran ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxana shirkaasi looga hadli doonaa arimo la xiriira dar dar galinta hanaanka doorashooyinka dalka iyo daminta colaadaha markale ka soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirkaani ayaa waxaa ka qeyb gali doono madaxweynaha dalka, ra’iisul wasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

10-ka bisha October, 2016 ayey aheyd in shirkaani uu ka furmo magaalada Muqdisho balse dib u dhac ku yimid, waxaana la filaa in maanta Madaxda Hogaanka Qaran ay ku gorfeeyaan arimaha kor ku xusan si xal looga gaaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here