Muqdisho: Shirka Madasha oo beri furmaya & Gaas oo tegay Muqdisho

Shirka-Wadatashiga-Qaran
Shirka-Wadatashiga-Qaran

Beri oo Axad ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ka furmo Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo dhex mari doona Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,halka kuwo kale la filayo in ay soo gaaraan Saacadaha soo socda.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Muqdisho Warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Beri uu Hogaamiyaasha Soomaalida u furmayo Shir looga hadlayo Doorashada Sanadkaan 2016.

Dhinaca kale Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminyo ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here