Muqdisho: Sheeybaarkii dhexe ee Xoolaha oo dib loo howl-geliyay

Xarig-jar-4Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib u hawl-gelisay sheybaarka dhexe ee xannaanada Xoolaha Soomaaliya oo aan shaqayn muddo ka badan 25 sano.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha dhirta iyo daaqa ee xukuumadda Soomaaliya iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho oo si wadajir ah xarigga uga jaray sheybaarka, ayaa u mahadceliyay hay’adda FAO oo gacan ka geysatay furitaanka xaruntan.

Xarig-jar-5

Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha dhirta iyo daaqa ee dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa tilmaamay in xarig ka jerista xaruntan ay qeyb ka tahay in la soo celiyo kaalintii sheybaarka dhexe xoolaha uu dalka ku lahaa.

Dr. Maxamed Muuse Yusuuf, oo ku hadlayay magaca hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan cunada iyo beeraha ee FAO oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaruntan sheybaar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in wasaaradda xanaanada xoolaha ay ka gacan siiyaan qalabka loo adeegsanaayo hubinta caafimaadka xoolaha.

Xarig-jar-2

Dib u hawl-gelinta Sheybaarkan ayaa wuxuu ahmiyad weyn ugu fadhiyaa hubinta caafimaadka xoolaha Soomaaliya ee loo iib geeyo Dalka Dibeddiisa, waxanay sidoo kale mesha ka saaraysaa welwelka ganacsatada Soomaaliyeed ay ka qabaan in lagu hakiyo dhoofka xoolahooda.

Xigasho: Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here