Muqdisho: Shacab is-hortaagay Gaari ay wateen AMISOM oo jiiray nin waayeel ah (Sawiro)

3-17Ciidamada AMISOM ayaa Goordhow Waxaa ay NinOday ah ku jiireen Nawaaxiga isgooyska Km4 Ee Magaalada Muqdisho.

Nin ka odayga ah ayaa la sheegay in uu dhaawac noqday kadib Markii Gaari kamid ahaa Kolonyo Ciidamada AMISOM uu dul maray.

Dadka Shacabka ee ku sugnaa Goobta shilka uu ka dhacay ayaa si dhiiranaan ay ku jirto u hor istaagay ciidamada AMISOM ee falkaasi geystay iyadoo ay ciidamada Dowlada ee goobta joogay ay la safteen Dadka Shacabka ah.

Shacabkii goobta ka agdhawaa ayaa ku qasbay AMISOM in ay qaadaan Ninka Odayga ah oo ay soo daaweeyaan iyadoona ay horey u raaceen 2 qof oo shacab ah si xaalada Ninka Waayeelka ah isha ugu hayaan.

13077006_943813415716352_5848550411479784275_n 13087629_943814072382953_8632285520471406648_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here