Muqdisho: Raggii ka dambeeyay dilka gabdho isla dhashay oo la qabtay

Gaadidka ciidanka booliska
Gaadidka ciidanka booliska

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gen.Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo maanta Shir Jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen Koox Hubeysan oo Degmooyinka Hodan iyo Dharkenley ku dilay Labo Dumar ah mid kalena ku dhaawacay.

Gen. Cali Gaab ayaa sheegay in Gacanta lagu hayo Ciddii ka dambeysay Dil Degmada Hodan loogu geystay Haweeney Waayeel ah oo lagu dhex dilay Gurigeeda oo ku yaalla Xaafadda Seybiyaano iyo Koox Mooto watay oo doonayay in ay dhacaan Mooto Bajaaj islamarkaana dil iyo dhaawac u geysay Labo Gabdhooda oo Walaalo ah.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayuu sheegay Taliyaha in ay Gacanta ku hayaan Dadkaasi ku howlanaa Falalka Amni daro islamarkaana Sharciga la hor keeni doono.

24kii Saac ee la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Dilal loo geystay Dumar Soomaaliyeed,iyadoo Ciidamada Booliska ay leeyihiin waxaa gacanta lagu hayaa dadkii Dilalkaasi ka dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here