Muqdisho: Qiimaha lagu iibiyo leesinga oo qaali noqday

Muqdisho: Qiimaha lagu iibiyo leesiga oo qaali noqday
Muqdisho: Qiimaha lagu iibiyo leesiga oo qaali noqday

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay, waxaa ku soo badanayay baabuurta noocyadooda kala gadisan, gaar ahaan kuwa raaxada.

Haddaba iyadoo taas ay jirto ayaa haddana waxaa dowladda Hoose ay bixisaa Leesinka/ shatiga baabuur wadista, taasoo hadda noqotay mid qasab ku ah darawalada gaadidka ka xeeya.

Mid kamid ah darwalada baabuurta dadweynaha ayaa u warramay Midnimo.com.

“Haddii aan idiin sheego Leesinka baabuur wadista hadda qaali ayuu noqday, waxaa uu marayaa 100 ilaa 120 dollar, markii horre wuxuu ahaa 40 dollar, maxaa yeelay hadda waxaa soo batay baabuurta qof kastana wuxuu ku goosanayaa leesinka baabuur wadista” ayuu yiri Cismaan Yuusuf Axmed oo ah darawal ka shaqeya magaalada Muqidsho.

Wuxuu sheegay Cismaan in haddii lagaa waayo Shatiga gaadid wadista in la ganaxaayo darawalka oo loo dhowr bil la xiraayo.

“Markii horre haddii aadan wadan Leesin, waa lagaa qaleenayay ama askariga Taraafikada ayaad iska qancineysaa, laakin hadda arrintaas waa ay dhammaatay oo Sheekada Cali Gaas waa ay ka weyntahay oo dowladda Hoose ayaa la isla tagayaa” ayuu yiri.

Dhibaatada ay ku qabaan darawalada Samaafarayaasha la suray waddooynka Muqdisho

Qaar ka mid ah darawalada ka shaqeya Muqdisho ayaa weli ku dhibban la qabsiga sharciyada ay bixiyaan Samaafarayaasha ku dhaqan waddooyinka.

“Waxaad arkeysaa Samaafaro isla soo shidaya Guduud iyo Cagaar, waddadan waa Jaam sidda ay yeeleyso lama yaqaano” ayuu yiri mid ka mi dah darawalada magaalada Muqdisho.

Inta badan darawalada ka shaqeya xilliga Muqdisho waa kuwa aan baran sharciga samaafarayaasha oo isgaba ku cusub magaalada.

 

1 COMMENT

  1. DOWLADDA UK WAA IN SAFAARADEEDA SI SAX OO BUUXDO U HOWLGASHAA DALKA SOOMAALIYA OO AYSAN NOQON KUWA HAL LUG KU TAAGAN. siyaasadeeda ku qotonta Soomaliya waa iney noqotaa mid ku saleyn iskaashi iyo wada shaqeyn BUUXDO oo ayna xiriir WANAAGSAN OO dimplamaasiyeed oo sax la yeelataa Dowladda Soomaliyeed. Waxaa dhacda mararka qaar in muwaadiniin badan oo Soomali ah ee ku dhaqan dalkaani aaminsan yihin in siyaaseeda ay ka jan jeerto horumarka iyo dib u dhiska dalka Soomaliya. iyadoo dhacda mararka qaar iney raacdo siyaasadda dowladdo kale oo aan wanaag badan u heyn mujtamaca Soomaliyeed. Waxaan aaminsanahay in Uk u madax banaanto siyaasadeeda ku wajahan Dalka Soomaliya, kuna saleyso daacadnimo. iyadoo ka tar jumeysa raaceysana Rabitaanka Muwaadiinteeda asal ahan ka soo jeedo Soomaliya iyo weliba Soomalida ku dhaqan Dalkaan Ingiriiska.

    Waxaan filayaa inuu noqdo iskaashigaan mid wanaag badan u horseeda 2da Dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here