Muqdisho: Qaraxyo xoog leh oo caawa laga maqlayo Muqdisho

537555410Waxaa goor dhaweyd qeybo badan oo Caasimadda Muqdisho ah laga maqlay qaraxyo xoogan, iyadoo inta badan laga dareemay degmooyinka ku xeeran aaga Madaxtooyada (Villa-somalia).

Goobjoogayaal ayaa Midnimo.com u sheegay, in dhowr Hoobiye ay kusoo dhaceen agagaarka Madaxtooyada ilaa wadada Sayidka.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya daqiiqado kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan, in Madaxweyne Xasan Shiikh uu xilkii ka xayuubiyay Taliyihii Nabad Sugida Cabdiraxmaan Tuuryare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here