Muqdisho: Qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotel Ambassador

150220123219-02-mogadishu-0220-exlarge-169Xoogag hubeysan oo lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee maanta weerar abaabulan ku qaaday Dhismaha Hotelka Ambassador, oo ku yaala wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama.

Weerarkan oo ku bilowday gaari walxaha qarxa  laga soo buuxiyay, ayaa lagu jebiyay albaabka laga galo Hotelkaasi, ka dibna waxaa xoog gudaha ugu galay dabley hubeysan.

Ciidan xoogan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya oo ku dhaqaaqay halkaasi, ayaa xiray dhammaan wadooyinka soo gala, waxayna ka wadaan hawlgal ka dhan ah dableydaasi.

Dadka deegaanka, ayaa soo sheegaya in halkaasi laga maqlayo rasaas xoogan, oo u muuqata mid ay isweydaarsanayan Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Militariga Somaliya iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Maxamed C/laahi Muumin oo ka mid ah dadka degan xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, ayaa sheegay qaraxa uu weerarku ku bilowday in si wayn looga maqlay xaafadaasi iyo goobaha kale ee ka baxsan.

Maxamed C/laahi, ayaa sidoo kale sheegay in rasaasta iminka laga maqlayo aagga Hotelka la weeraray, ay baqdin gelisay dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here