Muqdisho oo xitaa dadka waddooyinka qaar loo diiday

maka_13Maanta ku afar waxa xiran waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho iyadoona lagu arkayo ciidanka Amaanka Dawlada Soomaaliya.

Ciidanka ayaa waxay seddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dadka u ogolaayeen inay ku lugeeyaan waddooyinka xiran waxaana loo diidayey keliyey baabuurta shacabku wataan kuwa dawlada caadi ayey u marayeen.

Maanta oo Sabti ah Waddooyinka qaar gaar ahaa kuwa mara agagaarka Madaxtooyada xitaa inay shacabka ku lugeeyaan ayaa loo diiday sabab lagu sheegay Shirka IGAD oo furmay iyo Shirkaasi oo la adkeeyey Amnigiisa.

Shacabka Muqdisho waxay sheegeen in dhibaato weyn ku qabaan xirnaashaha waddooyinka muhiiimka ah waxayna dawlada ka codsadeen hadii ay amni sugeyso inay waddooyinka xirin oo ay qaab kale wax usugto.

Madaxweynaha Dalka Xasan Shiikh Maxamuud oo warbaahinta fariin Xalay usoo maryey Shacabka waxa uu ka codsaday inaysan dhib u arkin waddooyinka xiran oo ay Amnigooda ku jirto maadama marti caalamka ka timid joogto isagoo ku baaqay in shacabku dulqaad muujiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here