Muqdisho oo xalay si weyn looga soo dhoweeyay Sanadka Cusb Warbixin

Xalay waxay ahayd magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Caalamka mid loo dabaal dagayay soo dhoweynta Sanadka Cusub ee 2013-ka iyo sagootinta sanadkii hore ee 2012-ka, Munaasabado waaweyn ayaa meelo kala duwan oo dalka ah ka dhacayay iyadoona farxad ay ku dheehantahay.

Degmada Hodan ee gobolka Banaadir munaasabad kadhacday ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka gobolka Banaadir, kan degmada iyo taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale munaasabadaan waxaa goob joog ahaa Safiiro, fanaaniin iyo qaybo kamid ah bulshada reer Muqdisho, intii ay socotay munaasabada soo dhoweynta Sanadka Cusub ee 2013-ka ayaa waxaa halkaas lagu soo bandhigay heeso lagu soo dhoweeynayay, waxaana heesahaas kamid ahaa heesta “Farxad iyo Salaan baa Sanadkeena Cusub kugu soo dhoweeyneeynaa” oo ay qaadayeen qaar kamid ah hobolada Waaberi.

Qudbado kala duwan ayaa halkaas laga soo jeediyay kuwaasoo inta badan looga hadlayay isbadalada sanadkii hore kahirgalay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan wadanka Soomaliya, gudoomiyaha gobolka banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in Sanadkii lasoo dhaafay aysan iloobi doonin shacabka Soomaaliyeed isagoona xusay in sanadkii hore uu ahaa mid isbadalo badan ay dhaceen oo ay kamid ahaayeen, in wadanka gudihiisa lagu doortay madaxda dalka hada maamusha.

Xilibaan Dalxa, oo kahadlayay Isbidalka Muqdisho ka dhacay Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxa uu yiri; “Xamar markii ay aragtay nin u damqanaaya, Xamar markii ay aragtay nin yaqaano markii ay aragtay, Xamar nin fahmaayo markii ay aragtay, Xamar waxay Iska badashay Xamartii muragada ku jirtay, mugdiga kujirtay, waxayna isku badashay magaalo soo iftiimeysa, magaalo wanaageeda ku faafisay magaalooyinka kale ee wadanka”.

Xilibaan Dalxa, oo hadalka sii wata ayaa sheegay in marka la aado wadamada kale ama aduunka kaleba Xamar laga aaminsanhay meel xun oo laysku dilo, iyo meel qaajo iyo rafaad kajiro.

“Waxaa nasiib daro ahayd hadaad tagto aduunka meel waliba qof kasto oo ajnabi ah hadaad kala shekeeysatid Soomaaliya mashaakilkeeda waxaad moodaa in layskugu gudbiyay isgaarsiin, nin waliba waxa uu kuu tilmaamayaa Xamar ineey tahay Caloosha mashaakilaadka” ayuu yiri Dalxa oo sifeeynayay Xaalada Xamar Sanad kahor.

“Nin walibana waxa uu dhihi jiray hadii aan Xamar xal loo helin Soomaaliya xal looma helayo” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa.

Munaasabad kale oo tan la mid ahaa xalay lagu qabtay xarunta degmada Kaaraan halkaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta gobolka iyo xildhibaano, iyadoo Barbaarta gaashaaman ay munaasabadaasi ku soo bandhigeen suugaan ka Tarjumeysa qiimaha ay leedahay isdhexgalka bulshada.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here