Muqdisho oo Xalay laga Xusay Xaflada Sanadka Cusub 2015-ka

happy-new-year-2015-wishesWaxaa Xalay bilowday Sanadka Cusub ee 2015-ka iyadoona Caalamka si weyn looga soo dhaweyeey islamarkaana Munaasabado iyo Xaflado waa weyn oo lagu soo dhaweynayey ay dhaceen.

Magaalada Muqdisho Munaasabad xalay ka dhacday Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ka qeyb galay Mas’uuliyiin dawlada Somaliya Katirsan iyagoo khudbado halkaasi ka jeediyey.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Yaaqshiid Cusmaan Cadaawe oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay marka hore Xafladaan uqabteen sidii loo muujin lahaa farxad Bulshada iyo Sidii is dhex galka Bulshada looga shaqeyn lahaa.

Gudoomiyaha waxa kale uu sheegay inay kaga mahad celinayaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Shacabka Degmadiisa islamarkaana ay Sanadka soo socdo Alle ka rajeeyeen in bash bash iyo Barwaaqo ku gaarsiiyo.

Sidoo kale waxa Xafladaasi Khudbad ka jeediyey Taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Janeral Madaale isagoo Maamulka Degmada Yaaqshiid ku bogaadiyey Xaflada ay soo qaban qaabiyeen isagoo Shacabka ka codsaday inay Nabad gelyada kala shaqeeyaan ciidanka Amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here