Muqdisho oo maanta si weyn looga xusay aas aaska 53-sano guurada CXDS..Warbixin iyo Sawiro

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay 53-sano guuradii kasoo wareegtay aas aaska Ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Munaasabadaan, ayaa maanta ka dhacday xaruunta wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada, baarlamaanka iyo saraakiisha sar sare ee Ciidamada dalka.

Taliyaha Ciidanka XDS Sareeyo Guute, Daahir Aadan Cilmi, oo hogaanka taliyanimada la wareegay dhawaan, oo ugu horeyn ka hadlay xuska munaasabada ayaa ku dheeraaday, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidamada milatariga, duruufihii ay ku shaqeeyeen iyo doorkoodii hanaanka amniga, waxaana uu sheegay in si taas looga gudbo ay doowlada ka faa’iideysan doonto cunaqabateyntii hubka ee dhawaan laga qaaday si ay u dhisto Ciidamada doowlada.

“In cunaqabateyntii laga qaaday xooga dalka Soomaaliyeed, waa fursad cusub oo taariikhda baal dahab ah ka gali doonto xooga dalka Soomaaliya, maxaa yeelay waxay fursad noo siineysaa inaan dib u dhisno, dib u qalabeyno, dib u tababarno Ciidankii Xooga dalka Soomaaliyeed, dibna ay usoo laabato sharaftii, qiimeyntii iyo qadarintii uu kulahaa shacabka Soomaaliyeed, iyo aduunkaba” ayuu yiri taliyaha Ciidamada XDS, Sareeyo Guuto Dahir Aadan Cilmi.

Kordhinta mushaaraadka Ciidamada:

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, oo ay u ahayd markiisii ugu horeysay uu ka qaybgalo munaasabada tan iyo intii uu ku guuleystay xilka madaxtinimada Soomaaliya, ayaa sheegay in doowlada Soomaaliya ay dadaal ugu jirto, dhismaha Ciidamada qaranka, inkastoo kumanaan Ciidamada qaranka oo taba bar kusoo qaatay dalalka dariska iyo gudaha dalka, kuwaas oo ka qayb qaadanaya amaanka dalka wadanka ku suganyihiin.

Madaxweynaha, ayaa ka dhawaajiyay in ay mideeynayaan Ciidamada doowlada, maadaama ay jiraan kuwo qaab beel ahaan iminka uga howlgalaya gobolada dalka Soomaaliya, islamarkaana ay qalabeynayaan Ciidamada si ay awood ugu yeeshaan xaqiijinta amaanka.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale xusay, in ciidamada dalka ay xuquuqdooda heli doonaan, isagoona ciidamada niyada ugu dhisay ineey kordhinayaan wixii maanta ka danbeeya mushaaraadka Ciidamada doowlada, maadaama hada qarashaadka Ciidamada qaataan ay yihiin kuwo aad u yar.

“Dhismaha CXDS, maraaxil ayuu marayaa, marxalada koowaad waxaa culeyska la saarayaa nolosha Askariga Soomaaliyeed waxa saameeya, doowlada Illaaheey idinkiis mardhow wax beey ka badali doontaa arinkaas, waxaan kaloo dooneeynaa inaan mideeyno CXDS oo aan beelo beelo kanimaado” sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa soo jeediyay in loo baahanyahay in beesha Caalamka ay sii wado taageerada ay u fidineyso doowlada Soomaliya, si Soomaaliya ay markale cagaheeda ugu istaagto, waxaana uu ku hanjabay in dhawaan ay la wareegi doonaan dhamaan gobolada ka maqan gacanta doowlada Soomaaliya.

“Waxaa sare looq aadayaa awooda dagaal ee Ciidanka, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, ee difaaca dalka, dadka iyo diinta, iyo sugida amniga gudaha” ayuu yiri madaxweynaha.

Ciidamada qaybahooda kala duwan, ayaa saakay gaada kaciyaar kusoo bandhigay goobta ay munaasabada ka socotay, iyo qaybo badan oo magaalada Muqdisho ka tirsan, si ay u muujiyaan cududooda milatari.

Inkastoo wali doowlada aysan gaarin isku filnaan dhanka amniga ah, oo ay ku tiirsantahay taageerada howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, sidoo kale munaasabada maanta ayaa kusoo aaday xili fursado badan ay haysato doowlada Soomaaliya, waxaana dhawaan laga qafiifiyay xayiraadii hubka ee saarneyd Soomaaliya, taasoo doowlada u fududeyneysa dhismaha Ciidamada.

Amaanka Caasimada ayaa si weyn loo xoojiyay, waxaana wadooyinka dhamaan ee magaalada lagu daadiyay Ciidamo kala duwan, kuwaasoo si aad ah u feejignaa, si aysan u dhicin waxyaabo carqalad ku ah munaasabada, hase yeeshee xaaladahaan oo dhan ayaa saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Muqdisho, mana jirin gaadiid soo galayay magaalada ama ka baxayay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here