Muqdisho oo Maanta ka Gashay Jawi Cusub

Xilli ay maanta la dhacayso caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa si aad ah loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Muqdisho, waxaana jira Ciidamo gaar ah oo jooga Wadooyinka, kuwaas oo ka kala tirsan Ciidamada Booliska iyo Kuwa Nabad Sugida,iyagoo ay baarayaan dadka iyo gaadiidka Bl-ka ah , waxaana gebi ahaanba gawaarida BL-ka ah laga la Xiran wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Ammaanka ayaa la adkeeyay waxaana baaritaanada ay ka socdaan saaka guud ahaan wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo ay Ciidamada dadka ka dajinayaan gaadiidka ka dibna ay ruux waliba ay si gooni ah u Baarayaan.

Baaritaanadaani saaka ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah mid lagu adkeynaayo ammaanka munaasabada lagu saleemasaarayo Madaxweynaha cusub ee Xasan Sh. Maxamuud oo dhowaan qaraxyo lagu weeraray Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ee uu daganaa.

Waxaana sidoo kale Ammaanka magaalada Muqdisho ee sida aadka ah loo adkeyay saaka ka danbeysay Wafuud caalami ah oo kusugan magaalada Muqdisho si ay ugu qeyb qaataan munaasabadaa caleema saarka ah.

Baaritaanadaani ayaa waxey soo bilowdeen Shalay gilinkii danbe, iyadoo ay socdeen xalay ilaa Saake oo ay si aad ah u sii xoogeysteen, waxaana haatan la sugayaa in ay Magalaada Muqdisho soo gaaraan wafuud kale oo ka socta Beesha Caalamka si ay Xafladaasi kaga qeyb qaataan.

Muqaalka Muqdisho ayaa ah mid saaka looga badan yahay dadweynaha, waxaana Wadooyinka Buux dhaafiyey Ciidamada Ammaanka ee ku labisan dharka Ciidanka Booliska iyo Nabad sugida.

Sikastaba maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in uu xilka si rasmi ah ula wareego kadibna uu guda galo hawlaha kale ee u yaalla Dowladdiisa cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here