Muqdisho oo maanta ka duwaneyd sidii lagu yaqiinay

Waxa ay ahayd maalin ka duwan maalmihii Caadiga ahaa ee magaalada Muqdisho lagu yaqiin, Aroortii hore ee saakay ayaa wadooyinka Muqdisho waxaa lasoo dhoobay Ciidamo isugu jira Boolis, Nabad sugida, Milatari iyo kuwa dharcada ah.

Waxaa la diiday in gaari aan aqoonsi gaar ah lahayn, ama aan ahayn kuwa doowlada in uu sheeg dhaqaajiyo, taasoo keentay in dad farabadan ay cagtooda maalaan iyagoo qaarkood u socday masaafo dheer.

Arday badan uma suurtagalin in Jaamacadahoodii ama Iskuuladoodii ay aadaan, waxaase jiray baabuurta qaar oo si xeeladeeysan xaafadaja dhaxdooda dadka uga rarayay.

Dadka wadooyinka lugeeynayay ayaa qolaba si u fasiranayay sababta loo xiray wadooyinka, maxaa yeelay ma aysan jirin wax horay loo sii ogeysiiyay ama loogu sheegay.

Digniino la helay:

Gudoomiye ku xigeenka gobolka banaadir, ahna kusimaha gudoomiyaha iyo duqa magaalada, Cali Xasan Guure, ayaa BBC-da qaybteeda afka Soomaaliga u sheegay in ay shacabka ka heleen digniino kadib diriseyn ay sameeyeen, taasoo ah in Al-shabaab ineey dhibaato geysato, waxaana uu intaasi raaciyay in howlgalada ay siis ocon doonaan maalmaha fooda inagu soo haya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Xukuumadda federaaliga ah ayaa saxaafadda u sheegey in ahwlgalka culus ee maanta Muqdisho ka bilowdey uu yahay mid amniga lagu xoojinaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here