Laba qof oo maanta lagu dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaaray xaafadda suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa ayaa sheegaaya in kooxo hubeysan ay xaafadaasi ku dilay labo qof oo rayid ah, iyadoona labadaasi qof ee la dilay la sheegay inay ahaayeen labo wiil oo dhalinyara ah.

Kooxa dilka geystay oo ku hubeysanaa bastoolada ayaa waxaa ay labadaan qof ku dileen agagaarka Masaajidka Sheekh C/raxmaan ee xaafada suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa, iyagoo dilka ka dibnah baxsaday.

Dilka labadaan qof ee dhalinyarada ee maanta Muqdisho lagu dilay ayaa qeyb ka ah dilal isdaba joog ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdishyo, ayadoo amaanka Muqdisho oo markii hore soo hagaagayay uu hadda noqday mid faraha ka baxay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in kooxaha dilka geystay looga shakisan yahay Al shabaab oo marar badan dilal kuwaan lamid ah ka geystay degmada Huriwaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here