Muqdisho oo Maanta Bandaw Meelaha qaar Laga dhigay

10406717_1549451271960293_7356149326218369476_nMagaalada Muqdisho ayaa waxa saaka laga dareemayaa meelaha qaarkood Bandaw la saaray oo dadka iyo dhaq dhaqaaqii Ganacsi laga mamnuucay.

Wariye Soo maray Wadada Maka Al Mukarama meelo ku dhaw ayaa sheegaya in loo diidayey shacabka wadadaasi iskaba dhaafe in baabuurta maraane.

Ciidanka Dawlada ayaa la arkayaa iyagoo luuq walbo seddex iyo Afar utaagan kuwaasi oo dadka xitaa udiidaya wadada.

Arintaan Bandawga umuuqata ayaa lagu micneeyey sugida Amaanka maadama la sheegayo in Muqdisho maanta imaanayo Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Turkiga Rajab Erdogen.

Wixii kasoo kordho Xaalada Muqdisho dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here