Muqdisho oo lagu soo bandhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Afhayeenka Booliska General Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale)
Afhayeenka Booliska General Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale)

Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo bandhigay sarkaal la sheegay in uu ka tirsan yahay Kooxda Al Shabaab.

Afhayeenka Booliska General Maxamed Yuusuf Cumar (Madaale), oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ninkaan laga soo qabtay xafkadda ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka, ayaa intaa raaciyay in ninkaan lagu soo qabtay hawlgal gaar ah, ka gadaal markii Booliska Degmada Dayniile, ay helayn xogta lagu soo qabtay.

General Madaale, ayaa xusay in sarkaalka Shabaabka ee la soo qabtay in lagu magacaabo Sheekh Cabdishakuur Ciise laga soo dhex qabtay, gurri ku yaalla Dayniile.

Sheekh Cabdishakuur Ciise oo sidoo kale warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyay in uu ka tirsan yahay Shabaabka, xilligaana uu gacanta ugu jiro Dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socday howgalo ballaaran oo lagu baadi goobayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here