Muqdisho oo laga furay warshad sameysa bulukeetiga

Muqdisho oo laga furay warshad sameysa bulukeetiga iyo dhagxaanta casriga ah ee la dhigo guryaha

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya laga hirgaliyay warshad si casri ah u sameeneysa Bulukeetiga iyo dhagxaanta loo yaqaan Interlock oo sida fudud loo dhigo dhismooyina waaweyn iyo guryaha.

Xaflad lagu furaayay warashadan ayaa dhawaan lagu qabtay waxaana maamulka shirkadda RAJO uu sheegay in u jeedkooda uu yahay siddii loo heli lahaa bulukeeto casri ah oo tayo leh, kaasoo muddo badan heyn kara meesha lagu dhiso.

Shirkadan RAJO ayaa sidoo kale waxa ay ka shaqeysaa arrimaha dhismooyinka iyo daabulida, oo meel kasta oo laga soo dalbado magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay diyaar u tahay in ay geeso qalabka laga codsado ee lagu dhiso dhismooyinka.

Maamulaha sharikadda adeegan hirgelisay ee RAJO Cabdicasiis Maxamed Xasan (Cabdicasiis Dhega Weyne) oo ka hadlaayay furitaanka shirkadda ayaa sheegay in shirkadan ay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda oo kale laga furo magaalada Muqdisho 22-kii sanno ee la soo dhaafay ee uu dalka burburka ku jiray.

Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay Dhagaxa Interlock loogu talagalay in uu fududeeyo dhismooyinka laga dhiso dabaqyada dhaadheer ee dhulka la mariyo ee loo adeegsado Fiilooyinka Korontada leh iyo Inter-net-ka kaaso dhagaxa Interlock markaad doonta ka qaadi kartid kuna soo celin karta meesha aad howl ka rabtid dhismaha guriga, halkii kal horre ay ka ahayd in la dumiyo ama la burburiyo.

Mr. Cabdicasiis ayaa sidoo kale  bulshadda Soomaalida ugu baaqay in dalka keeneen qalabyo loo adeegsado Qasida Shamiintada iyo Wiishash dhaa-dheer oo loo adeegsan karo dhismayaashii Awal gacan isugu Dhiibka ahaa.

Ugu dambayntii ayuu Maamulaha shirkadda RAJO Mr. Cabdicasii Dhagaweyne uu sheegay in marka hore ay dabooli doonaan baahida dhismaha Magaalada Muqdisho kaddibna ay u gudbin doonaan gobolada kale ee dalka.

Sidoo kale waxaa xafladda lagu furaayay shirkaddan ka hadlay Eng Yuu oo ka mid ah Injineerada warshadda RAJO rakibtay una dhashey waddanka Shiinaha, kaasoo magaalada Muqdisho u yimid siddii tababar uu u siin lahaa shaqaalada shirkadda .

Mr, Yuu ayaa sheegay in Soomaaliya hadda ka soo hagaageyso dhinaca ammaanka iyo horrumarka marka loo eego 22-kii sanno ee la soo dhaafay. wuxuuna intaas ku daray Farsamadii u dambaysey ee Shiinaha la keenay magaalada Muqdisho,
Ugu dambeen Mr, Yuu ayaa rajo ka muujiyay in magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya oo dhan ay ka faa’ideysan doonaan qalabkan casriga ah ee la keenay magaalada Muqdisho si ay ula jaan qaado magaaloooyinka kale ee ka dhisan dalka.



Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com , midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here