Muqdisho oo ay ku soo badanayaan Isbitaalada casriga ah

Muqdisho oo ay ku soo badanayaan Isbitaalada casriga ah
Muqdisho oo ay ku soo badanayaan Isbitaalada casriga ah

Dadka ku nool magaalada Muqdisho oo sanado badan ay dagaalo u diideen inay helaan adeegyo caafimaad oo casri ah oo ay uga maarmaan safarada caafimaad ee ay dibada ku aadi jireen, ayaa haatan adeegyo caafimaad oo tayo leh waxa ay ku heleen magaalada.

Bilihii ugu dambeeyay waxaa magaalada laga furay isbitaalo casri ah oo gaar loo leeyahay kuwaas oo qaarkood ay furteen dhakhaatiir ajaanib ah oo isugu jira Carab iyo Turki.

Dad badan ayaa ka mahad celiyay in ay helaan isbitalada casriga ah ee laga hirgaliyay magaalada Muqdisho oo dagaallo ku soo jirtay 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Turkiga waa dowladda kaliye ee ka dhabeysa ballan qaadkeeda ah in ay wax u qaban doonto Soomaalida, waxa ay magaalada ka dhistay isbitaalo waaweyn, iskuulo wax lagu barto iyo waddooyinka Muqdisho oo qaar badan ay dib u dhistay isla markaana ay laami saartay.

Dawladda Turkiga ayaa horrey u sheegtay in malaayiin dollar ay ku baxday dayactirka iyo qalabeynta Isbitaalaada Muqdisho ku yaalla sidda kan Digfeer.

Markaad akhrisato ra’yigaagana ka dhiibo.

1 COMMENT

  1. alxamdu lilaahi hadii ay soo badanayaan isbitaalo casri ah
    oo aynan soo badaneyn isbaarooyin dadka lagu dhaco
    taasi waa ilaahey mahadii waxaan a umada soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ilaashadaan nicmada ilaahey siiyey oo ah horumarka naftooda iyo dalkooda wasaaalma caleykum waraxmatulahi wa barakaatu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here