Muqdisho oo ay ka shaqeeyaan baabuur ay xardhan yihiin shirkado ganacsi

Tarbuunka (34)Magaalada Muqdisho oo ka soo kabaneysa dagaallo iyo burbur ragaadiyay 22-kii sanno ee la soo dhaafay ayaa hadda waxaa ku soo badanaya xarumaha ganacisga ee laga hirgalinayo magaalada.

Magaalada waxaa laga dhisay xarumo ganacsi oo waaweyn, kuwaasoo laga heli karo wax yaabihii ugu dambeeyay ee caalamka la soo bandhigay.

Haddaba waxaa magaalada ka dhex shaqeeya baabuur ay ku xardhan yihiin shirkado ganacsi, kuwaasoo alaabo geeya dukaamada ku yaalla magaalada ee xiriirka la leh shirkadaha ganacsiga.

Wariyaasha Shabakadda Midnimo.com ee ku sugan Muqdisho, ayaa soo sheegaya in magaalada ay ka shaqeeyaan baabuurtan kuwaasoo ay ku buufsan yihiin shirkado ganacsi, waxaana ka mid ah baabuurtaas, kuwa iibiya Xalwada, Caanaha Geelle, Rootiga ama Roodhiga, Jalaatada, Biyaha Mooyo sixada ah, Digaaga, Kalluunka, IWM.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku soo badanaya goobaha ganacsiga kuwaasoo leh baabuur uga shaqeeya magaalada oo alaabtooda geeya dukumaada iyo xaafadaha magaalada.

Muqdisho hadda waxa ay laabeysaa baalkii colaadda in kastoo dilal iyo qaraxyo ay ka dhacaan magaalada kuwaasoo uu ugu dambeeyay Madaxii Farsamada Raadiyaha iyo Talafishanka Dowladda ee Radio Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here